21
Tue, Nov
0 New Articles

Top Stories

Grid List

Kadib Qarax Miino oo Gaarigiisa loogu xiray Cabdiraxmaan Afleershe oo ka tirsanaa Dowladda Hoose ayaa la sheegay in uu ku Geeriyooday.

 

Wararka ayaa sheegaya in Masuulkaan oo aan si rasmi ah loo ogeyn shaqada uu ka hayay dowladda Hoose ayaa la sheegay in Qaraxa Miino  uu ka dhashay Gaarigiisa oo la rumeysan yahay in loogu xiray.

 

Qaraxaan  ayaa ka dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Nawaaxiga Xarunta UNICEF ee degmadaasi.

 

Wixii ku soo kordha kala soco ballanballe.com.

Warar hadda aynu ka helnay xafiiska madaxweynah maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegaya inuu is casilay kadib markii xaaladiisa caafimaad ay ka dartay.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Guuleed ayaa lagu sheegay inuusan xilkaasi sii wadi karin, sidaasi darteedna uu go’aan ku gaarey inuu meesha baneeyo si aanu u hakan shaqada Galmudug.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa mooshin ay ka keeneen Guuleed ku sheegay iney xilka ka qaadeen, hase ahaatee wada hadallo kadib Guuleed ayaa lagu qanciyey inuu xilka iska casilo.

C/kariin Guuleed maalmihii ugu dambeeyey waxa hayey xanuun dhanka wadnaha ah, iyadoo la saadaalinayey inuu is casili doono balse maanta ay dhacday.

Guuleed horey wuxuu isaga casilay wasiirkii amniga dowladda Federaalka Soomaaliya, waana markii Labaad ee uu shaqo dowladeed iska casilo.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa magacaabay raisul wasaare cusub oo ay yeellan doonto dowladiisa sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya xarunta Madaxtooyada.

Nin lagu magacaabo Xasan Cali Khayre ayaa loo magacaabay raisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa boggiisa Twitterka ku xaqijiyey magacaabista raisul wasaaraha cusub.

“Waxaan xilka Ra’isul Wasaaraha u magacaabay Mudane Xasan Cali Khayre. Alle ha u fududeeyo hawsha culus. Waxaan codsanayaa in lala shaqeeyo” ayuu ku yiri madaxweynaha qoraalka uu soo dhigay boggiisa Twitterka.

Xasan Cali Kheyre raisul wasaaraha cusub ee Somalia waa nin aan wax badan laga aqoon oo ku cusub saaxada siyaasada Somalia, taariikh nololeedkiisa iyo warbixino kale oo ku saabsan raisul wasaraha la magacaabay kala soco wararkeena ugu horeeya Insha ALLAAH.

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka dhacday Munaasabad Ballaaran oo ku aadan Caleemo Saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo Agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Marti sharaf kala duwan oo  kuwa Heer Caalami ah ay ka mid ahaayeen.

Waxaana Martida ka qeyb gashay ka mid ahaa Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Kenya, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia iyo Safiirro kala duwan.

Sidoo kale waxaa goob Joog ahaa Munaasabadaasi Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaarayaashii dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo Gunaanadkii Munaasabadda Khudbad ka jeediyay Hoolka ayaa ballan qaaday in dowladdiisu ay soo celin doonto Cisigii iyo Sharaftii dalku lahaa.

Waxaana uu ballan qaaday in uu ka shaqeyn doono Amniga, Yareynta Saboolnimada , ka faa’ideysiga Xoogga iyo Maskaxda Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo arrimo kale.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiisyada hay’adaha Qaramada Midoobay ee cunada WFP iyo carruurta UNICEF,  ayaa lagu sheegay in gargaar bani’aadannimo oo baaxad leh keliya lagu baajin karo in Soomaaliya ay mar kale gasho xaalad masiibo bani’aadannimo ah.

Hay’addahan ayaa sheegay in abaartan oo aafeysay sanadkii la soo dhaafay gobollada Waqooyi ay hadda ku fiday Soomaaliya inteeda kale, taasoo sida ay hadalka u dhigeen halis ku ah dad sanado badan ay soo daashadeed colaado.

Warbixinta ayaa sheegay in kala bar marka la eego dadka ku dhaqan Soomaaliya ay xiligan wajahayaan badbaado la’aan cunto iyo  baahi dhinaca hab nolaleedkooda la xiriirta.

Hay’addahan ayaa sheegay in 944, 000 oo caruur Soomaaliyeed ah ay hadda wajahayaan xaalad nafaqa darro, iyadoo dhinaca kalana 185,000 caruurtan ka mid ah ay la dhibaateysan yihiin xaalad nafaq darro ah, islamarkaana la filayo in 50% ay korarto bilaha na soo aadan haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban.

Wakiilo ka kala socda labada hay’adood ee WFP iyo UNICEF ayaa booqanaya deegaannada ay sida daran abaarta u saameysay ee Puntland si loo gaarsiiyo gargaarka sida weyn loogu baahan yahay.

Wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Steven Lauwerier ayaa sheegay in dad badan oo Soomaali ah ay dhaafeen kheyraadkoodii ay wax kasta oo lahaayeen, gaar ahaan marka la eego xoolihii ay dhaqanayeen, iyaga oo ku nool ayuu yiri wax aan dhaafsiisneyn Gacanta-iyo- Afka [hand-to-mouth.]

Waxaa uu intaa daray wakiilka in ilaa iyo hadda fursada la heysto tahay mid aad u yar si loo badbaadiyo dhibaatada ka dhalatay abaarta ee la soo daristay dadka, gaar ahaan caruurta la il daran nafaqa darada.

‘’Waxaa naga go’an aan la shaqeyno qeybaha aan howsha wadaagno si aan u guuleysano ayuu yiri’’ Steven Lauwiriet.

Abaarta ayaa la sheegay in ay dadka ka xaalufisay dhamaanba daligii beeraha sidoo kalana ka dishay xoolihii ay dhaqanayeen, waxaana cirka isku shareeray sicirka ama qiimaha la siisto cunada iyo biyaha, taasoo keentay in kumanaan dad ah baadi goobi ugu jiraan wax ay cunaan.

 

Ugu danbeyntii, digniintan ayaa lagu sheegay in abaartu ay kordhisay cudurada ka dhashay biyaha sida cudurka shuban biyoodka oo sanadkan oo kaliya ay qaadeen ama uu ku dhacay dad gaaraya 4000 oo qof.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay Bukaanadii ku dhaawacmay Qaraxii shalay ka dhacay Xaafadda Kaawo Godeey ee Degmada Wadajir ayaa si kulul uga hadlay Qaraxaasi.

Waxa uu ku sheegay Madaxweynuhu weerarkaasi in uu ahaa mid Bahalnimo ah islamarkaana loo baahan yahay in Shacabka iyo dowladduba meel uga soo wada jeestaan dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mar kale xoojiyay ballan qaad uu horay u sameeyay ee ah ciddi Qarax la diyaarinayo ama meel la dhigay soo war gelisa Hay’adaha Ammaanka in dowladdu ay siin doonto lacag dhan $100,000 ( Boqol kun oo dollar).

Dowladda Cusub ee Soomaaliya ayaa la tacaaleysa weeraro maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Muqdisho oo isugu jiray Dilal iyo Qaraxyo , waxaana ay u muuqdaan weeraradaasi kuwa cirka isku sii shareeraya xilli lagu guda jiro Kalaguur.

Weeraryahanka Arsenal waxaa si xoog leh loola xiriirinayey dalka China oo dlabyo la sheegay in ay uga yimaadeen, Hase ahaatee, waxaa iyana jira dalabyo la fahansan yahay in ay ka imaan karaa Serie A-ga siiba AC Milan oo muujisay xiisaha ay Chile-yaanka u qabto.

Sanchez ah xiddiga ugu wanaagsan Arsenal ololahan ayaa ka caga jiiday in uu qandaraaska u dheereyo kooxda Wenger isaga oo xaaladaas kala siman Mezut Ozil.

Warar hoose oo la helayo ayaa hada sheegaya in Chelsea ay ku soo biirtay kooxaha isha la raacaya xaalada xiddigii hore ee Udinese.

Sidoo kale waxaa jira warar qaba in Sanchez aadi karo Sevilla oo uu leyliyo tababbarihiisii hore ee Chile Jorge Sampaol oo uu aad u jecel yahay.

The UEFA Champions League's most experienced player, Iker Casillas talks to UEFA.com about the prestige of the competition, being settled at Porto and facing Gianluigi Buffon.

 

Iker Casillas: Playing so many important games in a prestigious competition like the Champions League, I have experience to call upon and I'm thankful for that. I hope the other players can feel more confident because of that. Of course we're facing a very tough tie; we know Juve are the favourites, but sometimes excitement, desire, effort and bravery can overcome individual ability.

 

 

UEFA.com: You used to play for Real Madrid, who are favourites in every game, but it's a bit different at Porto. How does that feel?

Casillas: On the one hand, a little relieved because always being the favourite makes you feel more responsible and it hurts more when you lose. Now we have to be realistic: we're a good team and we're gradually progressing with the help of our younger players. Now we're facing an opponent who's been at a high level for a long time, playing semi-finals, a final, quarter-finals. However, in the world of football, anything can happen. Six or seven months ago, we were in a play-off against Roma ...

 
Casillas's first Champions League memory

UEFA.com: What has been the importance of the Champions League throughout your career and what does it mean to you now?

Casillas: Playing in a competition like the Champions League is important for a player, it makes you feel much more of a professional in this sport. The Champions League is where the best players in the world come together.

UEFA.com: You achieved so much with Spain, but do your European successes have a special place? I don't know if your career would have been the same without those Champions League successes?

Casillas: I think that's what adds to a player's prestige. Of course winning domestic tournaments like leagues, cups and super cups adds to your standing in your country, but once you take a step forward in Europe and lift that European Cup, I think that prestige extends to the global stage.

It confirms you as an important player who has played in a prestigious competition and won it. In my case, it's happened three times and of course I'm very proud of that and I hope there will be a fourth.

Weather

Paris France Cloudy, 8 °C
Current Conditions
Sunrise: 8:10 am   |   Sunset: 5:3 pm
89%     11.0 mph     34.203 bar
Forecast
Tue Low: 8 °C High: 11 °C
Wed Low: 8 °C High: 12 °C
Thu Low: 11 °C High: 14 °C
Fri Low: 10 °C High: 13 °C
Sat Low: 5 °C High: 10 °C
Sun Low: 3 °C High: 8 °C
Mon Low: 3 °C High: 8 °C
Tue Low: 3 °C High: 8 °C
Wed Low: 3 °C High: 7 °C
Thu Low: 3 °C High: 6 °C
Advertisement

Upcoming Events

Advertisement